
Taliyihii saldhiga booliska degmada Waaberi ee gobolka Banaadir Axmed Cabdullaahi Baashane (Colaalay) ayaa caawa lagu dilay qarax ismiidaamin ah oo ka dhacay magaalada Muqdisho.
Taliyaha ayaa ku dhintay qarax gaari loo adeegsaday oo ka dhacay afaafka hore ee saldhiga booliska degmada Waaberi oo ku yaala isgayska Dabka.

Sidoo kale qarax waxaa ku dhintay sarkaal kale oo lagu magacaabo Cabdi Baasid Maxamuud Cagey, askar iyo dad rayid ah oo aan weli tiradooda la xaqiijin.
Laamaha amniga Muqdisho ayaa weli faahfaahin ka bixin qaraxa ismiidaaminta ah ee ka dhacay saldhiga booliska degmada Waaberi.
PUNTLAND POST
You must be logged in to post a comment.