
Ku-simaha madaxweynaha dowladda Puntland, ahna madaxweyne ku-xigeenka, Axmed Cimi Cismaan Karaash, ayaa Shir-guddoomiyay kulan ku saabsan Amniga guud iyo dardargelinta qorsheyaasha amni ee maalmaha Ciida.
War ka soo baxay madaxtooyada Puntland, ayaa lagu sheegay in kulanka looga hadlay Amniga guud iyo dardargelinta qorsheyaasha amni ee maalmaha Ciida.
Kulanka waxaa ka qeybgalay Wasaaradda Cadaaladda, Taliyeyaasha Ciidamada Daraawiishta iyo Booliska, Maamulka Gobolka Nugaal, Kan degmada Garoowe iyo Saraakiil Madaxtooyo.
PUNTLAND POST
You must be logged in to post a comment.