Guddoomiyaha Ururka Midowga Afrika, Mousa Faki, ayaa si rasmiya u magacaabay Ergayga gaarka ah ee Midowga Afrika u qaabilsan Soomaaliya.
Guddoomiye, Mousa Faki ayaa Madaxweynihii hore Jamhuuriyadda Ghana, John Dramani Mahama u magacaabay Ergayga gaarka ah ee Midowga Afrika u qaabilsan Soomaaliya.
H.E John Dramani Mahama, ayaa Hoggaamiyaasha Siyaasadda Soomaaliya wuxu kala shaqayn doona Arrimaha Siyaasadda iyo Doorashooyinka dalka, oo aan weli heshiis dhammaystiran laga gaarin.
“Madaxweyne Mahama wuxuu la shaqeyn doonaa daneeyayaasha Soomaalida, si loo gaaro tanaasul la wada oggol yahay oo ku aaddan xal loo dhan yahay oo laga gaarro qabashada doorashooyinka Soomaaliya muddada ugu yar ee ugu macquulsan” ayaa lagu yiri Qoraal ka soo baxay Xafiiska Guddoomiyaha Midowga Afrika.
PUNTLAND POST