In ka badan 170 qof oo ku dhaawacmay weerar Israa’iil ku qaaday masjidka Al-Aqsaa

In ka badan 178 qof oo Rayid  ah, ayaa ku dhaawacmay weerar ay xalay Ciidamada Israa’iil ku qaadeen masjidka barakaysan ee Al-Aqsaa ee dhulka Falastiin.

Hay’adda Bisha Cas ee Falastiin, ayaa sheegtay in 83 qof oo dhaawac ah, kuwaas oo xaaladoodu liidato loola cararay isbitaalka weyn ee magaalada Quddus, halka dhaawacyada harsan lagu dawaynayo isbitaallada kale.

Dadka ugu badan ayaa ka dhaawacmay wejiga, indhaha iyo xabadka, waxaana qaarkood gaaray dhaawacyo daran, sida laga soo xigtay hay’adda Bisha Cas ee Falastiiniyiinta.

Ciidamada Israa’iil ayaa weerarka xalay qaaday xilli muslimiinta Reer Falastiin ay salaadda ku oogayeen masjidka barakaysan ee Al-Aqsaa.

PUNTLAND POST