Xildhibaan ka tirsan Baarlamanka Soomaaliya oo Muqdisho ku geeriyooday

Xildhibaan Cabdullaahi Sheekh Ismaaciil, oo ka tirsanaa Golaha Shacabka Baarlamanka Federaalka Soomaaliya, ayaa maanta oo Jimce ah ku geeriyooday magaalada Muqdisho.

Qoraal ka soo baxay xafiiska Guddoomiyaha Golaha Shacabka, Maxamed Mursal Sheekh Cabdiraxmaan, ayaa lagu xaqiijiyay Geerida marxuum Xildhibaan Cabdullaahi Sheekh Ismaaciil.

Guddoomiyaha Golaha Shacabka ayaa tacsi u diray dhammaan xildhibaannada Golaha iyo Shacabka Soomaaliyeed, gaar ahaanna Qoyskii uu ka baxay xildhibaan Cabdullaahi Sheekh Ismaaciil.

Marxuumka geeriyooday, waxa uu xilal kala duwan ka soo qabtay dowladda Federaalka Soomaaliya isagoo ka soo qayb-qaatay barnaamijyo dib u heshiisiin ah.

PUNTLAND POST