
Ra’isul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Maxamed Xuseen Rooble maanta oo jimce ah u ambabaxay dalka Sacuudi Carabiya.
AF-hayeenka xukuumadda Soomaaliya, Maxamed Ibraahim Macallimow, ayaa sheegay in safarka Ra’iisul wasaare Rooble uu ku saabsanyahay in uu soo cimreysto maalmaha yar ee ka dhiman bishan barakeysan ee Ramadaan.
Ra’isul Wasaare Rooble waxaa Garoonka diyaaradaha ku sii sagootiyay Wasiir Cadaaladda dowladda Federaalka, Cabdulqaadir Maxamed Nur (Jaamac) .
Af-hayeen Macallimow ayaa sidoo kale sheegay in xafiiska Ra’isul Wasaaruhu uu sii wadi doono isku dubbaridka iyo diyaarinta shirka arrimaha doorashooyinka ee lagu ballansanahay yahay 20ka bishan May inuu ka furmo Muqdisho.
PUNTLAND POST
You must be logged in to post a comment.