
Madaxweynaha Somaliland, Muuse Biixi Cabdi ayaa maanta xarunta madaxtooyada Hargeysa ku qaabilay wefdiuu hoggaaminayey gudoomiyaha shirkada DP World ahna maareeyaha guud ee Shirkadaas, Sultan Ahmed Bin Suleyman.
War ka soo baxay madaxtooyada Somaliland ayaa lagu sheegay Kulankaas uu salka ku hayey dardar-gelinta xiriirka wada shaqayneed ee ka dhexeeya Somaliland iyo shirkada DP World, looguna gogol xaarayo furitaanka wejiga koowaad ee dhismaha dekeda Berbera oo dhammaaday dhawaana la furidoono, iyadoo lagaga wada hadlay sidii loogu gudbi lahaa wejiga labaad ee dhismaha ballaadhinta Dekeda Berbera.
Madaxtooyada Somaliland waxay sidoo kale sheegtay in kulanka si gaara loogu lafo-guray imkaaniyaadka ganacsi ee ku gadaaman isticmaalka dekeda Berbera, sida marin ganacsiyeedka wadada Berbera Corridor iyo balaarinteeda, madaama oo ay mari doonaan shixnado aad u tiro badan oo u gudbi doona dalka Itoobiya.
Warku wuxu intaas ku daray in Kulankaas oo ku soo dhammaaday is fahan iyo is-afgarad ay madaxweynaha ku weheliyeen wasiirada wasaaradaha Horumarinta Maaliyada, Qorshaynta iyo Horumarinta Qaranka, Xannaanada Xoolaha iyo Horumarinta Kalluumaysiga, wasiir ku xigeenka ahna ku simaha wasiirka arrimaha dibeda iyo iskaashiga caalamiga ah, maareeyaha dekedaha Somaliland, safiirka Somaliland u qaabilsan Imaaraadka Carabta iyo xubno ka mida boodhka dekeda Berbera.
PUNTLAND POST
You must be logged in to post a comment.