Muqdisho: Mucaaradka oo xaafadihii ay haysteen ku wareejiyay Rooble

Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya Maxamed Xuseen Rooble ayaa lagu wareejiyay xaafadaha isgoosyada Dabka iyo Mirinaayo ee Muqdisho oo ay heysteen ciidamo taageersan Mucaaradka.

Xaafadahaas oo muddooyinkii dambe xirnaa shacab badana ka qaxeen intii qalalaasuhu ka jiray Muqdisho ayaa galabta laga qaaday ciid ku xirneyd waddooyinka.

Ra’iisul Wasaare Rooble ayaa markii uu xaafadahaas kala wareegay mucaaradka, kadib wuxuu mus’uuliyadooda ku wareejiyay Taliyaha Booliska Soomaaliya Gen. Cabdi Xasan Maxamed Xijaar.

“Saacadan wixii ka dambeeya waxaa shacabka Soomaaliyeed gaar ahaan shacabka Muqdisho u sheegayaa in aan mus’uuliyadii magaalada ku wareejiyay Taliye Xijaar” ayuu yiri Ra’iisul Wasaare Rooble.

Dowladda Soomaaliya iyo mucaaradka ayaa shalay heshiis 10 qodob ka kooban ka gaaray rabshadihii dhawaan ka dhacay magaalada Muqdisho.

PUNTLAND POST