Shil Tareen oo ka dhacay dalka Mexico

23 qof ayaa ku dhintay in kabadan 70 kalane dhaawac ayaa kasoo gaaray  kadib markii ay isku dhaceen labo tariin Caasimada wadanka Mexico ee metro.

Kooxaha gurmadka deg deg ayaa ku howlan badbaadinta dad kale oo wali lagu la,yahay shiilkaasi sidoo kale duqa magaalada Claudia Sheinbaum oo tagay goobta shilka uu ka dhacay ayaa qoraal uu soo dhigay barta uu ku leeyahay Twitter-ka  ku sheegay in wali howl-weenada gurmadka ay wadaan soo daad gureynta iyo caawinta dadka ay waxyeelada kasoo gaareen shilkaas .

Sidoo kale warbaahinta gudaha wadankaas ayaa soo tabaneyso in shilka uu ka dhacay buunda weyn oo ay maraan tareenada hase ahaate muuqaalada ay ka duubeen ay muujinayaan inay jiraan qasaarooyin intaa ka badan maadaama uu bur bur xooggan uu soo gaaray buundada.

PUNTLAND POST