Seed ka harsan laamiga Sinujiif oo isna sii go’aya

Roobab mahiiggaan ah oo weli ka da’aya Gobollada Puntland, ayaa laga cabsi qabaa in ay gebi ahaanba gooyaan Laamiga dheer ee isku xira Garoowe iyo Boosaaso.

Xalay waxa go’day buundada Qayaadsame oo ka tirsan degaanka Alxamdullilaahi ee Gobolka Karkaar, waxaana weli hakad ku jira isu-socodka gaadiidka kala duwan ee isaga gudba Bari iyo Karkaar.

Sidoo kale, waxa sii go’aya hal seed oo ka harsan laamiga tuulada Sinujiif ee Gobolka Nugaal, gaar ahaanna dooxada loo yaqaan Midigar oo ku taal dhul biya-mareen ah, inkasto aysan weli la kulmin.

Haddii uu wada go’o halka seed oo ka harsan laamiga Sinujiif, waxa gebi ahaanba istaagi doona isu-socodka gaadiidka Garoowe iyo Boosaaso, taas oo kala xiran ku keeni doonta Gobollada Puntland.

PUNTLAND POST