Rooble oo magacaabay guddi ka soo tala-bixiya xallinta qalalaasihii Muqdisho

Ra’iisal wasaaraha xukuumadda Federaalka Soomaaliya Maxamed Xuseen Rooble maanta oo Talaado ah  magacaabay Guddi kasoo tala bixiya xalka gaarista qalalaasahii ka dhacay magaalada Muqdisho.

Guddiga oo ka kooban 11 xubnood ayaa waxaa guddoonmiye u ah wasiirka amniga gudaha xukuumadda Federaalka Soomaaliya Xasan Xundubay Jimcaale waxayna kala yihiin lix wasiir iyo shan mudane oo ka tirsan labada aqal ee Baarlamanka Soomaaliya.

1. Wasiirka Amniga Xasan Xundubey Jimcaale Guddoomioye

2. Wasiirka Arrimaha Gudaha Mukhtaar Xuseen Afrax Xubin

3. Wasiirka Gaanshaandhigga Xasan Xuseen Xaaji Xubin

4. Mudane Cabdi Sheekh Axmed Rooble Xubin

5. Wasiiru Dowlaha Amniga Farxaan Cali Axmed Xubin

6. Wasiir ku xigeenka warfaafinta Cabdiraxmaan Yuusuf (Al-Cadaalla) Xubin

7. Senator Cabdi Xasan Cawaale Qeybdiid Xubin

8. Senator Yuusuf Geelle Ugaas (Ugaas dhageey) Xubin

9. Senator Cabdi Axmed Dhuxulow (Dhagdheer) Xubin

10. Xildhibaan Cabdullaahi Maxamed Nuur Xubin

11. Xildhibaan Mahad Maxamed Salad Xubin.

PUNTLAND POST