
Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Maxamed Xuseen Rooble ayaa u magacaabay Wasiirka Wasaaradda Shaqada iyo Arrimaha Bulshada Cabdiwahaab Ugaas Xuseen Ugaas Khaliif.
Xilkan waxaa horay u diiday Maxamed Cabdullaahi Salaad Oomaar, kadib markii Ra’iisul Wasaare Rooble bishii hore xilalka u kala beddelay wasiirkii gaadiidka iyo duulista hawada iyo wasiirkii shaqada iyo arrimaha bulshada.
Cabdiwahaab Ugaas Xuseen ayaa xukuumaddii Badbaado Qaran ee hoggaamniyay Cabdiweli Maxamed Cali Gaas ka soo noqday Ra’isul-Wasaare Ku-Xigeen ahna Wasiirka Wasaaradda Ganacsiga & Warshadaha.
Sidoo kale Cabdiwahaab ayaa muddo kamid ahaa baarlamaanka federaalka Soomaaliya.
PUNTLAND POST
You must be logged in to post a comment.