Maraykanka oo Itoobiya ku cadaadinaya in ay soo af-jarto colaadda Gobolka Tigray

Xoghayaha Arrimaha Dibadda Mareykanka Antony Blinken ayaa u diraya Geeska Afrika Ergeygiisa Gaarka ah maanta oo Talaado ah, si loo dejiyo xiisada gobolka ka taagan.

Qoraal uu soo saaray Xoghaye Blinken ayuu ku sheegey in Jeffrey Feltman uu booqan doono dalalka Masar, Eretria, Ethiopia iyo Sudan tan iyo 13-ka bishan May.

Ergeyga Gaarka ah ayaa la kulmi doona mas,uuliyiinta dowladaha dalalkan Masar, Eretria, Ethiopia iyo Sudan.

Mareykanka ayaa ku cadaadinaayey Ethiopia in ay soo afjarto colaadda gobolka Tigray oo socotay mudo lix bilood ah, waxaa kale saraakiisha Mareykanka ugu baaqeen Eretria in ay ciidamadeeda kala baxdo gobolkaas.

PUNTLAND POST