
Danjiraha Midowga Yurub u qaabilsan Soomaaliya Nocolas Berlanga, ayaa ku baaqay in ciidamada militariga ee dowladda iyo kuwa mucaaradsan labadaba laga saaro gudaha magaalada Muqdisho.
Mr Berlanga ayaa qoraal uu soo dhigay bartiisa twitter-ka ku sheegay, in magaalada Muqdisho aysan xamili karin ciidamo amni oo kala qaybsan, kuwaas oo qaarkood ay ka baxsanyihiin Amarka Taliska Ciidamada.
Safiirka Midowga Yurub ayaa sidoo kale ku baaqay, in cid kasta oo doonaysa in ay door wanaagsan ka qaadato doorashooyinka dalka ay ra’iisul wasaare Maxamed Xuseen Rooble ku taageerto shaqooyinkiisa muhiimka ah.
Hadalka Safiirka ayaa ku soo beegmay, xilli weli ay gudaha Muqdisho ku sugan yihiin ciidamo kala taabacsan dowladda iyo mucaaradka kadib qalalaasihii ka dhashay mudda kordhintii dowladda.
PUNTLAND POST
You must be logged in to post a comment.