Jaaliyadaha Soomaaliyeed ee DK oo ka tacsiyeynaya Geeridii ku timi Xaaji Maxamed Xuseen (Daaniye) oo Xalay ku geeriyooday M. copenhagen

Innaa lilaahi wa innaa ileyhi raajicuun.

Jaaliyadaha Puntland/Jubbaland iyo guud ahaan Jaaliyada Soomaaliyeed ee dalka Denmark waxay ka tacsiyeynayaan geeridii naxdinta lahayd ee ku timi Walaal Xaaji Maxamed Huseen (Daaniye) Sh. Maxamed Bashiir, oo xalay ku geeriyooday magaalada Copenhagen ee dalka Denmark.

Walaal Maxamed Xusseen Daaniye, Waxaan illaahay uga baryayaan inuu naxariistii Janno ka waraabiyo, denbigiisa allaha dhaafo, su’aasha qabriga allaha u fududeeyo samir iyo Iimaana allaha ka siiyo dhammaan Qoyska reer Huseen Daaniye, xaaskii iyo awlaadii iyo Jaaliyadaha Soomaaliyeed ee uu ka baxay oo dhan.

Puntlandpost.com