Isu-socodka Gaadiidka ee togga Ceeldoofaar oo dib u furmay

Gaadiid kala duwan, oo ay ku jiraan kuwa xamuulka qaada, oo saacado badan ku xannibnaa togga Ceeldaahir (Ex. Ceeldoofaar) ee Gobolka Bari, ayaa saaka oo Isniin ah bilaabay in ay si caadiya uga gudbaan toggaas.

Daadad xooggan oo maalmihii u dambeeyay ku soo rogmaday togga Ceeldaahir, kadib Roobab halkaas ka da’ay, ayaa saacado dheer hakad geliyay isu-socodka gaadiidka isaga goosha laamiga dheer ee xiriiriya Garoowe iyo Boosaaso.

Mas’uuliyiin ka tirsan oo adeegsanaya Cagafyo waaweyn, ayaa xalay ku guulaystay in dib loo furo laamiga, si ay uga gudbaan gawaarida ku xayirantay togga.

Gaadiid badan oo isu’gu jira kuwa xamuulka qaada iyo kuwa Ganacsiga  u rara Gobollada kala duwan, ayaa subaxnimadii hore ee saaka la arkayay iyagoo ka gudbaya Ceeldaahir, kadib saacado ay ku xannibnaayeen.

PUNTLAND POST