Dalalka Iran iyo Ciraaq oo iska kaashanaya dhanka Tamarta

Wasiirka Tamarta Iran Ardakanian ayaa isaga oo ka hadlaya shir jaraa’id oo ay si wada jir ah u qabteen dhigiisa Dalka Ciraaq Hantoush, wuxuu sheegay in Ciraaq ay ogolaatay in daynta la xaliyo iyada oo ballan qaaday in ay sii wadi doonto dhoofinta korontada dalkiisa deriska la ah waxa kale oo uu xusay in qayb ka mid ah lacagihii la xanibay loo isticmaali doono in lagu soo dhoofiyo talaalada Ruushka ee” Sputnik V” ee ka dhanka ah coronavirus-ka cusub,

Hantoush, ayaa dhankiisa xaqiijiyay in labada dhinac ay ku heshiiyeen dib u bilaabida saadka tamarta ee Iran ay siiso ciraaq isla markaana ay heleen dariiqyo looga hortagi karo lacagaha la xayiray, in ka badan 5 bilyan oo doolar oo ka mid ah dhaqaalaha Iiraan ayaa weli ku xanniban Ciraaq, taas oo ka dhalatay ka dib markii dhoofinta gaaska iyo korontada Iraan uu cuna qabatayn  saaray dalka Maraykanku.

Arrintan ayaa sidoo kale si weyn uga dhex muuqatay wada hadaladii booqashadii u dambaysay ee Wasiirka Arrimaha Dibadda Ciraaq Fu’aad Xuseen ku yimid Tehran bishii Febraayo si uu wada hadallo ula yeesho saraakiisha Iran.
Horaantii sabtida, wasiirka tamarta ciraaq oo booqasho ku yimid wuxuu kaloo wada hadal la yeeshay wasiirka saliida ee Iran Bijan Namdar Zanganeh oo ay kawada hadleen dhoofinta saliida iyo gaaska iyo xayiraada hantida.

Ergeyga Iran u fadhiya Baghdad Iraj Masjedi jimcihii wuxuu sheegay in booqashada Hantoush ee Tehran ay ujeedkeedu tahay xal u helida  daynta iyo balaarinta iskaashiga tamarta ee labada dal.

PUNTLAND POST