
Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Maxamed Xuseen Rooble, ayaa maanta oo Axad ah xafiiskiisa ku qaabilay ergayga gaarka ah ee wasiirka arrimaha dibadda Qatar u qaabilsan dhexdhexaadinta iyo la dagaallanka argagixisada.
Qoraal ka soo baxay xafiiska Ra’iisul wasaaraha ayaa lagu sheegay, in Mr Rooble uu kulan gaar ah la yeeshay ergayga gaarka ah ee wasiirka arrimaha dibadda Qatar u qaabilsan dhexdhexaadinta iyo la dagaallanka argagixisada, Multaq Alqahtani.
Qoraalka waxa sidoo kale lagu sheegay, in labada mas’uul ay ka wada-hadleen xoojinta xiriirka labada dal, la dagaallanka argagixisada iyo Arrimaha doorashooyinka dalka.
“Waxa ay ka wada hadleen xoojinta xiriirka labada dal, la dagaallanka argagixisada iyo Arrimaha doorashooyinka dalka.” Ayaa lagu yiri Qoraalkaas.
PUNTLAND POST
You must be logged in to post a comment.