Dowladda Maraykanka ayaa ugu baaqday dhinacyadii saxiixay Heshiiskii arrimaha doorashada ee 17-kii September in ay deg deg u kulmaan, si loo dhammaystiro hirgelinta hannaanka doorashada dalka.
War-saxaafadeed ka soo baxay xafiiska af-hayeenka wasaaradda arrimaha dibadda Maraykanka, Ned Price ayaa sidoo kale loogu baaqay hoggaamiyaasha siyaasadda Soomaaliya, in aysan wax shuruud ah ku xirin wada-hadalka arrimaha doorashooyinka.
War-saxaafadeedka ayaa ku boorriyay dhinacyada, in ay bilaaban dhammaystirka iyo dhaqan-gelinta Heshiiskii 17-kii September, si loo hirgeliyo doorasho daah-furan.
“Waxaan ugu yeereynaa dhinacyada uu ka dhexeeyo heshiiskan inay si degdeg ah u kulmaan, iyada oo aan wax shuruud ah lagu xirin wadahadalka, si loo dhameystiro hirgelinta doorashada” ayaa lagu yiri qoraalka.
Sidoo kale, Maraykanku wuxu sheegay in uu sida ugu dhakhsaha badan diyaar ugu yahay, gacan-siinta hoggaamiyaasha Soomaaliya, si loo hirgeliyo hannaanka heshiiskii 17-kii September.
“Mareykanku wuxuu diyaar u yahay sida ugu dhaqsaha badan inuu gacan ka geysto qabashada doorashooyinka” ayuu sii raaciyay qoraalka.
PUNTLAND POST