Madaxweynaha dowladda Federaalka Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo, oo khudbad u jeediyay Aqalka Hoose ee Baarlamanka, ayaa si rasmiya u shaaciyay in uu mas’uuliyadda hirgelinta doorashada iyo Amnigeeda ku wareejiyay Ra’iisul wasaare Maxamed Xuseen Roobel.
“Waxaan rabaa in aan cadeeyo In Ra’iisul-wasaare Maxamed Xuseen Rooble uu hogaamin doono Diyaarinta, Hirgalinta doorashada, & Amnigeeda, si ay doorashadu ugu qabsoonto jawi nabad ah oo xasiloon” ayuu yiri Farmaajo
Madaxweyne Farmaajo, wuxu sheegay in uu Ra’iisul wasaaraha u xil-saaray qaban-qaabada iyo marti-qaadka saxiixayaashii Heshiiskii 17-kii September, si loo meel-mariyo heshiiskaas iyo talooyinkii farsamo ee ka soo baxay shirkiii Baydhaba 16 February 2021.
“Waxaan kale oo Ra’iisulwasaraha u xilsaaray qabanqaabada iyo martiqaadka Saxiixayaashii Heshiiskii 17 September 2020, si loo meelmairyo heshiiskas iyo talooyinkii Farsamo ee kasoo baxay Shirkii Baydhabo 16kii Febraayo 2021” ayuu sii raaciyay madaxweynuhu.
PUNTLAND POST