Baarlamanka Soomaaliya oo maanta yeelanaya kulan aan caadi ahayn

Madaxweynaha dowladda Federaalka Soomaaliya, Maxamed Cabdullaahi Farmaajo, ayaa lagu wadaa in uu hortago xildhibaannada Aqalka hoose ee Baarlamanka dalka, isagoo u jeedin doona khudbad ku saabsan arrimaha doorashooyinka dalka.

Mudanayaasha Baarlamanka, ayaa maanta oo Sabtiya yeelana kulan aan caadi ahayn, kaas oo uu codsaday madaxweyne Farmaajo, si looga noqdo mudda kordhintii qalalaasaha sababtay, islamarkaana dib loogu laabto wada-hadalkii arrimaha dooraashooyinka.

Xildhibaannada Baarlamanka, ayaa 12-kii April mudda kordhin u sameeyay hay’adaha dowladda, waxaase go’aankaas ka dhashay qalalaase siyaasadeed oo horseeday dagaallo ka dhacay magaalada Muqdisho, taas oo keentay in dowladda ka laabato sharcigaas.

Dhinacyada siyaasadda Soomaaliya ayaa hadda isku raacsan in jidka keliya ee furan uu yahay in dib loogu laabto wada-hadalkii socday, si loo qabto doorasho dadban oo ku salaysan heshiiskii 17-kii September.

PUNTLAND POST