Ciidanka Kumaandooska dowladda Federaalka Soomaaliya ee loo yaqaan Danab ayaa war ka soo saaray hawlgal qorshaysan ay saaka ka fuliyeen degaanka Jilib-marka ee gobolka Shabeellada hoose.
Taliska Danab ayaa shaaciyay in hawlgalkaas lagu gubay gaari qaraxyo siday kaas oo Al-shabaab doonayeen in ay hawlgalo ku fuliyaan islamarkaana ku dhibaateeyaan dad shacab ah.
Gaariga la gubay oo noociisu ahaa SURF ayay Al-shabaab doonayeen in ay geliyaan gudaha magaalada Muqdisho kadibna qaraxyo ku fuliyaan sida ay sheegeen saraakiisha
Danab waxay sheegtay sidoo kale in ay burburiyeen fariisimo Al-shabaab ku lahaayeen degaanka Jilib-marka halkaas oo gebi ahaanba Al-shabaab isaga baxeen.
PUNTLAND POST