Guddoomiyaha Midowga Musharrixiinta ahna Madaxweynihii hore ee Soomaaliya Sheekh Shariif Sheekh Axmed oo maanta soo gaaray magaalada Muqdisho ayaa ka hadlay xaaladda siyaasadeed ee dalka iyo dhacdooyinkii ugu dambeeyey ee ka dhacay magaalada Muqdisho.
Sheekh Shariif ayaa sheegay in ay tahay wax laga xumaado in Muqdisho uu ka dhaco dagaal uu dhiig ku daato oo laga baaqsan karay, wuxuuna tilmaamay in waxyaabaha la isku haayo ay tahay arrin siyaasadeed, taas bedelkeedana ay muhiim tahay in la helo xal siyaasadeed iyo in laga heshiiyo doorashooyinka.
Sheekh Shariif ayaa soo dhaweeyay go’aannadii Ra’iisul Wasaare Rooble iyo dowlad goboleedyada, Hirshabeelle, Galmudug iyo Koonfur Galbeed ee arimaha doorashooyinka iyo sidoo kale dadaalada xal looga gaarayo iska hor-imaadyadii ka dhacay magaalada Muqdisho.
Shariif Sheekh Axmed ayaa ugu baaqay xildhibaanada Golaha shacabka in aysan mar kale qaadin tallaabo khaldan oo dhibaato hor leh abuuri karta, wuxuuna ku eedeeyay in ay sabab u ahaayeen gacanka hadalkii Muqdisho.
PUNTLAND POST
You must be logged in to post a comment.