Maxaa ka soo baxay kulankii Rooble, Qoorqoor, Guudlaawe iyo Midowga Musharaxiinta?

Waxaa caawa kulan saacado badan socday Muqdisho ku yeeshay Ra’iisul Wasaare Rooble, madaxweynayaasha Galmudug iyo Hirshabeelle iyo xubno ka tirsan Midowga Musharaxiinta.

kulanka oo ahaa mid is faham ku dhammaaday ayaa dhinacyadu sheegeen in ay uga wadahadleen labo qodob oo kala ah, amniga Muqdisho kadib rabshadihii maalmihii la soo dhaafay ka dhacay iyo sidii ay doorasho deg deg ah oo wadar-ogal ah uga dhici la hayd dalka.

“Ujeedada kulanku waxay ahayd sidii looga wada shaqeyn lahaa nabadgelyada magaalada Muqdisho iyo sidii dadkii barakacay guryahooda ugu soo noqon la haayeen. Waxaa kaloo laga wadahadlay sidii looga wada shaqeyn lahaa in dalka ay degdeg uga dhacdo doorashadii lagu heshiiyay 17 September 2020” ayuu yiri Wasiir ku xigeenka Warfaafinta Soomaaliya Cabdiraxmaan Yuusuf Alcadaala oo warbaahinta la hadlay kulanka ka dib.

Dhanka kale Cabdiraxmaan Cabdishakuur oo kamid ah Midowga Musharaxiinta ayaa qoraal uu ku daabacay bartiisa Facebook ku sheegay in kulanka looga hadlay xaaladda siyaasadeed iyo amni ee dalka, isla markaana uu ku soo gebagaboobay in laga wada shaqeeyo amniga iyo qabsoomida doorasho wadar-ogal ah.

“Waxaa caawa kulan afur iyo wadatashi ah yeeshay Raysalwasaare Rooble, Madaxweynayaasha Galmudug iyo Hirshabeele, Axmad Qoorqoor iyo Cali Guudlaawe, iyo xubno ka tirsan Midowga Murashaxiinta. Kulanka ayaa looga hadlay xaaladda siyaasadeed iyo amni ee dalka. Dooddaha oo kuwo togan ahaa ayaa ku soo gebagaboobay in laga wada shaqeeyo amniga iyo qabsoomida doorasho wadar-ogal ah oo si nabad iyo xasilooni leh ku dhacda” ayuu yiri Cabdiraxmaan Cabdishakuur.

PUNTLAND POST