Maraykanka oo codsaday in la baabi’iyo Sharcigii mudda kordhinta dowladda Federaalka

War saxaafaded ka soo baxay wasaaradda arrimaha dibadda Mareykanka, ayaa lagu sheegay in Maraykanku si dhow u eegayo ballanqaadkii madaxweyne Farmaajo ee 28-kii April ee ku aaddanaa in uu dib ugu noqon doono heshiiskii doorashada ee Sebtember 17.

War-saxaafadeedka Maraykanka, ayaa sidoo kale ku baaqay in si dhakhso leh dib u billaabo wadahadalkii hoggaamiyeyaasha dowladda Federaalka iyo dowlad Goboleedyada dalka.

“”Waxaan ka codsaneynaa madaxda qaranka iyo kuwa Dowladaha xubnaha ka ah Federaalka Soomaaliya in ay si deg deg ah u kulmaan, si loo dhameystiro qaabka doorashada ee la isku raacsan yahay, lana qabto doorashooyinka baarlamaanka iyo madaxweynaha sida ugu dhaqsaha badan, iyadoo lagu saleynayo heshiiskii Sebtember 17.”

Sidoo kale, Mareykanka ayaa soo dhaweeyay, islamarkaasina bogaadiyay Ra’isul Wasaare Maxamed Xuseen Rooblee iyo hoggaamiyayaasha maamullada diidmadooda ku aaddan muddo kordhinta.

 Mareykanka ayaa dhinaca kale  ugu baaqay ciidamada Soomaaliya iyo kooxaha kale ee hubeysan inay dib u gurtaan oo ay oggolaadaan in wadahadallada siyaasadeed ay dib ugu bilowdaan jawi ka caagan rabshado iyo colaad.

PUNTLAND POST