Dowladda Ingiriiska ayaa ku baaqday in sida ugu dhakhsaha badan Soomaaliya looga qabto doorashooyin heshiis lagu yahay, si loo xaqiijiyo ammaanka, xasilloonida dalka.
Qoraal ka soo baxay safaaradda Ingiriiska ee Muqdisho, ayaa lagu ammaanay go’aanka ay qaateen ra’iisul wasaare Rooble iyo madaxda dowlad goboleedyada qaarkood ee ay ku diideen muddo kororsiga hay’adaha dowladda.
“Waxaan ugu baaqeynaa madaxweynaha iyo hoggaamiyayaasha dowlad goboleedyada in ay deg deg u wada-hadlaan iyadoo oo aan shuruudo lagu xirin. Waa inay yimaadaan ayaga oo diyaar u ah inay sameeyaan tanaasulaadka lagama maarmaanka ah, kuna wada xaajoodaan niyad wanaag,” ayaa lagu yiri Qoraalka
UK ayaa intaas ku dartay inay aad uga walaacsan tahay in haddii lagu guul-darreysto in deg deg loogu dhaqaaqo doorashooyin, ay taasi hoggaamin karto amni la’aan weyn oo ka dhacda Muqdisho iyo meelo kale, taasi oo yeelan kartaa cawaaqib xun oo bani’aadannimo.
PUNTLAND POST