Wasiir Dhabancad oo xoghaye cusub u magacaabay degmada Gaalkacyo

Xoghaye Cabdiqani Cabdiraxmaan Geesa-weyne

Wasiirka Arrimaha gudaha Puntland, Maxamed Cabdiraxmaan Dhabancad, ayaa maanta xoghaye cusub u magacaabay degmada Gaalkacyo, sida ku cad dikreeto ka soo baxday Xafiiskiisa.

Wasiir Dhabancad, ayaa xoghayaha cusub ee Gaalkacyo u magacaabay, Cabdiqani Cabdiraxmaan Faarax (Geesa-weyne), sida lagu sheegay dikreetad uu soo saaray Wasiirka.

Mr Dhabancad, ayaa sidoo kale ku amray maamulka Gobolka Mudug iyo kan degmada Gaalkacyo, in ay fuliyaan dhaqan-gelinta magacaabidda xoghayaha cusub.

PUNTLAND POST