Galmudug iyo Hirshabeelle oo ka horyimid mudda kororsiga dowladda kuna baaqay doorasho deg deg ah

Galmudug iyo Hirshabeelle, ayaa si rasmiya uga horyimid mudda kororsiga qalalaasaha iyo dagaalka horseeday, ee Aqalka hoose ee Baarlamanka Soomaaliya u sameeyay hay’adaha dowladda Federaalka.

War-saxaafadeed wadajir ah, oo ay soo saareen Galmudug iyo Hirshabeelle, waxay ku baaqeen in meesha laga saaro mudda kororsiga loo sameeyay dowladda Federaalka Soomaaliya, islamarkaana dalka laga qabto doorasho deg deg ah, si looga baaqsado in uu sii socdo qalalaasaha siyaasadeed ee ka aloosan Muqdisho.

Sidoo kale, waxay soo jeediyeen in doorashada lagu galo heshiiskii arrimaha doorashada ee 17-kii September, maadaama uu yahay hannaanka keliya ee lagu heshiiyay, si dalka doorasho looga hirgeliyo.

Galmudug iyo Hirshabeelle waxay sidoo kale Ciidamada Qalabka sida ku boorriyeen, in aysan siyaasadda ku milmin, kana fogaadaan wax kasta oo amni-darro keeni kara, kuna ekaadan waajibaadka ciidanimo oo keliya.

Halkaan ka akhriso War-saxaafadeedka oo dhan

PUNTLAND POST