Beesha Caalamka oo sheegtay in Ciidamada Xooga dalka Soomaaliya u qayb-sameen qabiilo

Beesha Caalamka oo warsaxaafadeed wadajir ah soo saaray, ayaa sheegay in mudda kororsiga dowladda Federaalka Soomaaliya uu dalka u horseeday qalalaase siyaasadeed iyo mid amni oo wiiqaya nabadda iyo xasiloonida waddanka

Beesha caalamku waxay sheegtay, in Ciidamada Xoogga dalka Soomaaliyeed ay u qayb-sameen qabiilo, taas oo wax u dhimaysa hawshii loo xil saaray oo ahayd la-dagaallanka Argagixisada, waxaana ay tilmaameen in Ciidamadii dalka loo adeegsanayo xaqiijinta ujeedooyin siyaasadeed, taasina aan marnaba la aqbali karin.

Wakiilada Beesha Caalamka, ayaa sidoo kale dhinacyada siyaasadda Soomaaliya ugu baaqay, in ay deg deg ugu laabtaan wada-xaajood ku salaysan heshiiskii Arrimaha doorashada ee 17-kii September, si looga baaqsado in xiisaddu sii socoto.

War-saxaafadeedka waxa wadajir u soo saaray Hawlgalka Midowga Afrika ee Soomaaliya (AMISOM), Belgium, Canada, Denmark, Jabuuti, Masar, Midowga Yurub (EU), Finland, Faransiiska, Urur-Goboleedka (IGAD), Ireland, Talyaaniga, Japan, Holand, Norway, Spain, Suudaan, Iswiidhan, Iswisarland, Boqortooyada Midowday ee Britain, Dowladda Maraykanka, iyo Qaramada Midoobay.

Halkaan ka akhriso warsaxaafadeedka oo ku qoran Af-Soomaali