Xasan Sheekh Maxamuud: Ciidamo ka amar qaata Farmaajo ayaa gurigayga soo weeraray

Madaxweynihii hore ee Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud, ayaa sheegay in gurigiisa ay galabta weerar ku qaadeen ciidamo ka amar qaata madaxweyne Farmaajo.

Qoraal kooban oo uu soo dhigay bartiisa Facebook, ayuu ku sheegay in ciidamo daacad u ah Villa Somalia ay weerar la beegsadeen hoygiisa Muqdisho, inkastoo uusan faahfaahin ka bixin, haddii khasaare ka dhashay weerarkaas.

Madaxweyne hore Xasan Sheekh Maxamuud, ayaa ka digay in la siyaasadeeyo ammaanka, haddii sidaas dhacdana dhibaatada ka dhalata uu mas’uuliyadeeda qaadi doono madaxweyne Farmaajo.

“Waxa nasiib darro weyn ah in ciidan ka amar qaata madaxweynihii hore ay weerar ku soo qaadaan hoygeyga. Waxaan horay ugu digay kuna celinayaa khatarta ay leedahay siyaasadeynta ammaanka. Mas’uuliyadda dhibaatada ka dhalata arrinkan waxaa qaadaya Farmaajo” ayuu yiri Xasan Sheekh.

Hadalkiisa ayaa ku soo beegmay, saacad kadib markii rasaas xooggan laga maqlay xaafado ka tirsan degmada Cabdicasiis ee gobolka Banaadir halkaas oo uu degganyahay Xasan Sheekh Maxamuud.

PUNTLAND POST