
Qeybo kamid ah waqooyiga xaafadaha magaalada Muqdisho waxaa maanta lagu arkayay ciidamo gadiid dagaal ku hubeysan oo ka soo horjeeda dowladda, kuwaas oo sheegtay in ay ka tirsan yihiin milateriga Soomaaliya, kana yimaadeen gobolka Shabeellaha Dhexe.
Ciidamadan ayaa lagu arkayay xaafado ay kamid ah yihiin Fagax, Sanca iyo Siisi, waxaana halkaas rasaas xooggan oo muddo socotay ay ku dhexmartay ciidamadaas iyo ciidamo ka tirsan Nabadsugida iyo Sirdoonka Soomaaliya (NISA), lamana soo sheegin khasaare ka dhashay.

Saaraakiil ka tirsan dowladda oo Muqdisho kula hadlay qaar kamid ah warbaahinta waxay beeniyeen in ciidamo iyo saraakiil ka tirsan milateriga Soomaaliya ay ka soo baxeen furimaha dagaalka ee gobolka Shabeellaha Dhexe.

Dadka degan xaafada waqooyiga Muqdisho ee Fagax, Siisi iyo Sanca ayaa ka guuray guryahooda, iyagoo ka cabsi qaba in xaafadahaas uu dagaal ku dhexmaro ciidamada halkaas yimid iyo kuwo dowladda.

Dhanka kale xaafadda Fagax ee Muqdisho waxaa maanta ka dhacay mudaharaad looga soo horjeedo muddo kordhinta dowladda, kaas oo ay dhigeen dad u badan dhalinyaro.

Tan iyo markii Baarlamaanka Soomaaliya uu sheegay inuu muddo kordhin u sameeyey hay’adaha dowladda, waxaa magaalada Muqdisho ka jiray xaalad ciidan iyo mid kacsanaan.
PUNTLAND POST
You must be logged in to post a comment.