Waxaan daawaday kilib kooban, oo madaxweynaha Puntland kaga jawaabayo su’aal laga weydiyay heshiiska Puntland iyo DP World ee dekedda Boosaaso, kaas oo laga soo jaray wareysi habeen ka hor laga baahiyay Dalsan TV.
Madaxweyne Deni, wuxu sheegay in heshiiska DP World aysan waxba ka fulin, kadib markii caqabado ka yimaadeen labada dhinac ee Puntland iyo shirkaddaba, sidaas darteedna ay hakiyeen shaqadii DP World ka haysay dekedda Boosaaso, inta laga xallinayo caqabadaha hor-taagan dhaqan-gelinta heshiiska.
Haddaba, aan wax yar dib ugu laabto heshiiska dhexmaray Puntland iyo DP World.
6 April 2017, Puntland iyo DP World waxay kala saxiixdeen heshiis ku saabsan dhismaha iyo horumarinta dekedda Boosaaso, waxaana heshiiska si rasmiya qalinka ugu duugay madaxweyne Gaas iyo madaxa DP World Suldaan Axmed bin Sulaymaan.
Si kooban, nuxurka heshiiskaas waxa lagu sheegay in shirkadda DP World ay mudda laba sanno gudahood ah ku dhisayso dekedda Boosaaso, iyadoo lagu kordhinayo 450 mitir oo ballac, islamarkaana ay ku baxayso lacag dhan $ 336 malyan oo Dollar, taas oo wejiga kowaad ee dhismaha la gelin doono $ 200 oo malyan, halka wejiga labaadna la gelin doono $136 malyan oo Dollar.
Sidoo kale, heshiiska waxa ku jiray laba qodob oo dadka qaarkood dareen ka muujiyeen, kuwaas oo kala ah; in shirkadda DP World mudda 30 sano ah maamusho dekedda Boosaaso iyo in ay qaadato 60% wixi dekedda ka soo baxa.
Si kastaba, 6 April 2019, waxa dhammaatay labadii sano ee loo qabtay dhaqan-gelinta heshiiska, iyadoo DP World aysan waxba ka fulin heshiiska, waxaana xusid mudan in 4 February ee isla 2019 Boosaaso lagu dilay Paul Anthony Formosa, oo ahaa madaxii shirkaddaas u qaabilsanaa dekedda Boosaaso.
15 April 2019, waxa magaalada Dubai ku kulmay madaxweynaha Puntland, Siciid Deni iyo madaxa shirkadda DP World Suldaan Axmed bin Sulayman. Kulankaas kadib war ka soo baxay madaxtooyada Puntland ayaa lagu sheegay in labada dhinac isla garteen, in si dhakhso ah loo bilaabo dhismaha dekedda Boosaaso.
16 march 2020, siyaasi Faarax Cali shire oo hadal ka jeediyay shir ku saabsan wada-tashiga Puntland oo Garoowe lagu qabtay, ayaa ka deyriyay xaaladda dekedda Boosaaso, isagoo sheegay in ciid ka buuxsantay marinka laga galo dekedda.
26 November 2020, madaxweyne Deni oo kulan gaar ah la yeeshay Baarlamanka Puntland, ayaa ka codsaday in aan laga hadlin arrinta DP World oo markaas kamid ahayd ajandaha horyaalla Golaha.
28 November 2020, Baarlamanka Puntland oo fulinaya codsigii madaxweyne Deni, ayaa meesha ka saaray dood ku saabsanayd in laga hadlo sababta loo fulin waayay heshiiska dekedda Boosaaso ee DP World.
30 November 2020, madaxweyne Deni ayaa amar ku bixiyay in laga bilaabo 1 December 2020 dhammaan lacagaha ay qaaddo shirkadda DP World, in lagu shubo akoonada dowladda, gaar ahaanna akoonnada maamulka dekedda Boosaaso.
15-kii bishan April 2021, waxa dhammaatay laba sano oo kale, tan iyo kulankii dhexmaray madaxweyne Deni iyo DP World, kaas oo Dubai ka dhacay 15 April 2019 islamarkaana laga sheegay in si dhakhso ah loo bilaabi doono dhismaha dekedda Boosaaso.
Geba-gabo, mudda 4 sano ah ayaa ka soo wareegtay markii la saxiixay heshiiska Puntland iyo DP World 6 April 2017, iyadoo ilaa iyo haatan aysan shirkaddaas wax shaqo ah ka qaban dekedda Boosaaso. Haddaba 4 sano kadib Puntland maxaa la gudboon?
W.Q: Cabdiraxmaan Ciise