Cutubyo ka tirsan Milatariga Soomaaliya oo ka gadooday mudda kororsiga dowladda

Wararka ka imaanaya magaalada Muqdisho, ayaa sheegaya in cutubyo ka tirsan Ciidamada Milatariga Soomaaliya oo ka gadoodsan mudda kororsiga dowladda ay ka soo baxeen furimaha dagaalka Gobolka Shabeellada dhexe.

Ciidan ku hubaysan noocyada kala duwan ee gaadiidka dagaalka, ayaa soo gaaray duleedka magaalada Muqdisho, halkaas oo ay ka wadaan dhaqdhaqaaqyo xooggan, sida laga soo xigtay saraakiil Ciidan.

Taliyaha Ciidamada Milatariga Soomaaliya Gen. Odawaa Yuusuf Raage, ayaa la sheegay in uu xalay saraakiisha Ciidamadan hoggaaminaysa ugu baaqay, in ay dib ugu laabtaan furimaha dagaalka, balse waxa la sheegay in ay ka amar diideen.

Wararka qaar ayaa sheegaya, in Saraakiisha Ciidamadan hoggaaminaysa ay doonayaan, in ay warbaahinta la hadlaan saacadaha soo socda, islamarkaana ka warbixiyaan tallaabooyinka ay qaadi doonaan, haddii mudda kororsiga aan laga laaban.

PUNTLAND POST