Madaxweyne Deni: Wax xiriir ah lama lihi dowladda Imaaraadka Carabta

Madaxweynaha Puntland, Siciid Cabdullaahi Deni, ayaa beeniyay in uu wax xiriir siyaasadeed ah la leeyahay dowladda Imaaraatiga Carbeed.

Madaxweyne Deni, oo su’aal laga weydiiyay, haddii uu xiriir siyaasadeed la leeyahay Imaaraadka? Ayaa sheegay in aanay jirin wax xiriir ah oo ka dhexeeya isaga iyo dowladda Imaaraaraadka, islamarkaana aysan waxba ka jirin wararka ku saabsan arrintaas.

Shaarica dee waxaan u sheegayaa in Siciid cabdullaahi Deni xiriir gaar ah oo uu dal adduunka ah la leeyahay uusan jirin mar taas ma jirto” ayuu ku jawaabay madaxweynaha oo wareysi siiyay Dalsan TV.

Sidoo kale, wuxu tilmaamay in dowlad goboleedyada Soomaaliya aysan wax xiriir siyaasadeed ah la yeelan karin dal kale “ dowladaha xubnaha ka ah Federaalka cilaaqaad siyaasadeed dalal lama yeelan karaan”

PUNTLAND POST