
Madaxweynaha Somaliland Muuse Biixi Cabdi, ayaa xarunta madaxtooyada kulan kula qaatay xubnaha guddida doorashooyinka maamulka Somaliland.
War ka soo baxay madaxtooyada Somaliland, ayaa lagu sheegay in kulankaas diiradda lagu saaray habsami u socodka qabsoomidda doorashooyinka goleyaasha wakiillada iyo degaanka.
Guddida ayaa madaxweynaha Somaliland warbixin ka siiyay qaban-qaabada iyo hirgelinta hawlaha wakhtigan socda ee qabsoomidda doorashooyinka wakiillada iyo degaanka .
Sidoo kale, waxa kulankaas lagaga wada hadlay kharashaadka ku baxaya doorashooyinka iyo ilaa hadda wixii ku baxay, si looga diyaar garoobo arrimaha dhaqaalaha ee doorashooyinka ku baxaya.
Madaxweyne Biixi ayaa sidoo kale guddida doorashooyinka Somaliland uga mahadceliyay shaqada ay ka qabteen arrimaha doorashooyinka.
PUNTLAND POST
You must be logged in to post a comment.