Ra’iisul wasaare Rooble oo kulan la qaatay hay’adaha Amniga

Ra’iisul Wasaaraha xukuumadda Federaalka Soomaaliya Maxamed Xuseen Rooble oo kulan la qaatay hay’adaha amniga ayaa faray in la dardargeliyo sugidda amniga Muqdisho.

Ra’iisul Wasaaraha ayaa ka dhegaystay Hay’adaha ammaanka warbixinno ku saabsan xaaladaha guud ee amniga Muqdisho iyo sidii looga hortagi lahaa weerarada Al-shabaab.

Mr Rooble ayaa sidoo kale sheegay in dhacdadii shalay ka dhacday Garoonka Diyaaradaha Muqdisho ay tahay mid aan la aqbali karin, tallaabo sharci ahna laga qaadayo dadkii ka danbeeyey. Isagoo faray Wasaaradda amniga in baaritaan dhab ah lagu sameeyo falkaas.

Kulanka ayaa intii uu socday waxa uu Ra’iisul Wasaaruhu kormeeray qeybta gurmadka deg-degga ah ee Booliska, isagoo ku ammaanay dadaalkooda ku qotoma caawinta bulshada. Waxuna ugu baaqay shacabka Caasimadda in lala shaqeeyo hay’adaha ammaanka.

PUNTLAND POST