Maraykanka oo taageeray go’aankii Midowga Afrika ka qaatay mudda kordhinta dowladda Soomaaliya

Dowladda Maraykanka, ayaa taageertay go’aankii Golaha Amniga iyo Nabadda Midowga Afrika kaga horyimid mudda kordhinta loo sameeyay Golayaasha dowladda Federaalka Soomaaliya.

War Qoraal ah oo ka soo baxay xafiiska Waaxda Arrimaha Dibadda Maraykanka u qaabilsan Afrika, ayaa lagu taageeray go’aanka Golaha Amniga iyo Nabadda Midowga Afrika uu ku cambaareeyay mudda kordhinta dowladda Federaalka.

 “Waxaan taageersannahay go’aankii Golaha Nabada iyo Amniga ee Midowga Afrika ee lagu cambaareeyay muddo kordhinta ay toddobaadkii hore ansixiyeen Baarlamaanka Soomaaliya.” Ayaa lagu yiri Qoraalka.

Sidoo kale, Maraykanku wuxu soo dhoweeyay dhex-dhexaadinta Midowga Afrika doonayo in uu ka dhex bilaabo dhinacyada siyaasadda Soomaaliya, si heshiis looga gaaro xaaladda cakiran ee doorashooyinka dalka.

Waan soo dhaweynaynaa dhexdhexaadinta Midowga Afrika, waxaan ku boorineynaa Madaxda Soomalida inay heshiis degdeg ah ka gaaraan khilaafka doorashada” ayuu sii raaciyay Qoraalka.

PUNTLAND POST