Ingiriiska oo taageeray go’aankii Midowga Afrika ku cambaareeyay mudda kordhinta Villa Somalia

Dowladda Ingiriiska ayaa taageertay go’aanka Golaha Amniga iyo Nabadda Midowga Afrika ku cambaareeyay mudda kordhinta hay’adaha dowladda Federaalka Soomaaliya.

Safiirka Ingiriiska u fadhida Soomaaliya Danjire Kate Foster ayaa Qoraal ay soo dhigtay Twitter-ka waxay ku taageertay go’aanka Midowga Afrika oo ay ku tilmaantay mid muhiim ah.

Sidoo kale, waxay soo dhowaysay dhex-dhexaadinta Midowga Afrika u samaynayo dhinacyada siyaasadda Soomaaliya, si heshiis looga gaaro xaaladda cakiran ee siyaasadeed, gaar ahaanna arrimaha doorashooyinka dalka.

PUNTLAND POST