Siibed: TPEC wuxuu baalmaray nidaamka Dastuurku ugu talagalay habka doorashada

Urur Siyaasadeedka Mustaqbal ayaa ku eedeeyay Guddiga Ku-Meelgaarka ah ee Doorashooyinka Puntland (TPEC) in uu baalmaray nidaamka Dastuurku ugu talagalay habka doorashada.

Guddoomiyaha Urur Siyaasadeedka Mustaqbal Xildhibaan Maxamed Ismaaciil Siibed oo shir saxaafadeed qabtay ayaa sheegay in doorasho gaar ah oo aysan ka horayn tirakoob, natiijadeedana aan lagu dhisayn dowlad hoose ay baarmarsan tahay Dastuurka Puntland iyo nadaamka asxaabta ee la doonayo in ay u gudubto Puntland.

Guddoomiye Siibed wuxuu is weydiiyay haddii saddex magaalo laga qabto doorasho gaar ah in urur aan weli xisbi u gudbin uu soo dhisayo dowlad hoose in ay noqonayso tijaabo aan tirsanayn?

Guddiga Ku-Meelgaarka ah ee Doorashooyinka Puntland ayaa sheegay in uu bartamaha sanadkan doorashooyinka gole deegaan oo hordhaca ka qabanaya saddexda degmo ee Qordho, Eyl iyo Uffeyn.

Guddiga Ku-Meelgaarka ah ee Doorashooyinka Puntland wuxuu sheegay in doorashooyinkaas uu la tashi kala sameeyay ururada siyaasadda Puntland.

PUNTLAND POST