Golaha nabadda iyo ammaanka Midowga Afrika ayaa kulan ay maanta ka yeesheen arrimaha Soomaaliya waxaa ay ka soo saareen war-murtiyeed ay ku qeexayaan mowqifkooda doorashada Soomaliya.
Warmurtiyeedka ayaa lagu cambaareeyay go’aankii Golaha Shacabka Soomaaliya ay ku kordhiyeen waqtiga Madaxweynaha iyo Baarlamaanka.
Midowga Afrika wuxuu sheegay in heshiiskii Sebtember 2020 uu weli yahay aasaaska iyo waddada ugu macquulsan ee lagu gaari karo in Soomaaliya laga qabto doorasho waqtigeeda ku dhacda oo daah-furn laguna kalsoon yahay.
Midowga Afrika wuxuu ka codsaday ciidamada nabad ilaalinta ee AMISOM in ay la socdaan dhaqdhaqaaqyada ciidamada ammaanka Soomaaliya.
Midowga Afrika wuxuu uga digay dhinacyada siyaasadda Soomaaliya isku haya in ay ku kacaan ficilo xiisadda uga sii dari kara.
PUNTLAND POST