Dhaqtar caan ah ayaa saaka oo Khamiis ah lagu dilay gudaha magaalada Muqdisho, sida laga soo xigtay Laamaha Amniga dowladda Soomaaliya.
Dabley hubaysan ayaa xaafadda Al-Barako ee degmada Hodon ku dilay dhaqtarkaas oo magaciisa lagu sheegay Dr Xasan Cismaan Ciise (Dr Buurane,) islamarkaana caan ka ahaa Muqdisho.
Dr Buurane oo ku takhakhusay xanuunnada maqaarka, waxa uu ka hawlgeli jiray xarun caafimaad oo ku taal Muqdisho.
Ilaa iyo haatan ma jirto cid sheegatay mas’uuliyadda dilka marxuumkaas.
PUNTLAND POST