Maxkamadda Ciidamada Puntland oo dil ku xukuntay 8 xubnood oo ka tirsan Al-shabaab

Maxkamadda Ciidamada Qalabka ee Puntland ayaa maanta xukun dil ah ku ridday 8 xubnood oo ka tirsan Al-shabaab.

Maxkamadda Ciidamada Qalabka sida iyo Danbiyada culus ee Gobollada Mudug iyo Cayn oo xarunteeda Gaalkacyo, waxay xukuntay xubnahan oo la sheegay in ay Al-shabaab u qaabilsanaayeen dilalka qorshaysan ee madax-jebiska, islamarkaana qiraal ku ahaayeen danbiyada lagu helay.

Magacyada xubnaha la xukmay waxay kala yihiin; Faysal Axmed Bashiir Gujis, Sahal Cabdullaahi jaamac, Idiris Maxamed Afyare, Salmaan Maxamuud Saleebaan (Al-faarisi), jaamac Muriidi Xuseen Maxamed, Maxamed Cabdi Raage Indhabuur, Cabdirisaaq Axmed Buraale iyo Maxamed Cumar Muudey.

PUNTLAND POST