Hoobiyaal lagu garaacay darbiga madaxtooyada Villa Somalia ee Muqdisho

Madaafiic hoobiyaal ah ayaa maanta lagu garaacay xaafado ka tirsan degmooyinka wardhiigley iyo Boondheere ee magaalada Muqdisho.

Hoobiyaasha oo qaarkood ku dhaceen nawaaxiga Madaxtooyada Villa Somalia waxa khasaare kala duwan ka soo gaaray dad rayid ah sida laga soo xigtay goob-joogayaal.

Mid kamid ah madaafiicda ayaa la sheegay in uu ku dhacay darbiga madaxtooyada Soomaaliya inkastoo aan weli khasaaraha ka dhashay la ogayn.

Al-Shabaab ayaa sheegatay mas’uuliyadda weerarkan, oo ay sheegtay inay la beegsatay Madaxtooyada Soomaaliya.

PUNTLAND POST