Golaha Amniga Qaramada Midoobay, ayaa ku baaqay in dib loogu laabto wada-hadalladii u dhexeeyay dowladda Federaalka Soomaaliya iyo dowlad goboleedyada dalka ee ka socday xarunta Afisyooni.
Golaha ayaa shalay kulan gaar ah oo albaabadu u xiran yihiin ka yeeshay xasaradda siyaasadeed ee ka aloosan Soomaaliya, gaar ahaanna Arrimaha doorashooyinka, kadib markii dowladda Federaalku sheegtay in ay laba sano ku darsatay mudada xil-haynteeda.
Kulanka Golaha Amniga, ayaa sidoo kale warbixin ku saabsan xaaladda Soomaaliya looga dhegaystay wakiilka gaarka ah ee xoghayaha guud ee Qaramada Midoobay u qaabilan Soomaaliya James Swan.
Qarmada Midoobay waxay hore u sheegtay in aysan taageri doonin mudda kororsi, doorasho aan loo dhammayn iyo fal kasta oo keeni kara amni darro iyo fowdo.
PUNTLAND POST