
Ciidamo ka tirsan Booliska Puntland ayaa maanta weeraray saldhiga bartamaha magaalada Garoowe, waxaana weerarkaas ku dhaawacmay labo askari.
Ciidamada weeraray saldhiga ayaa watay gaari tikniko ah, waxayna xoog kula baxeen taliyihii hore ee ciidamada rugta dowladda hoose degmada Goroowe oo la xiray markii uu diiday xilka qaadis lagu sameeyay.
Mar kale ciidamada ayaa xoog kula baxay labo askari oo ka tirsanaa saldhiga oo loo xiray ku lug lahaanshaha weerarkii lagula baxay sarkaalka xilka qaadista diiday.
Askarta saldhiga Garoowe weeraray ayaa kamid ahaa ciidamo Boolis ah oo dhawaan lagu soo tababaray xerada Xorgoble ee Qardho.
Booliska Puntland ayaa ka hadlin falkan, waxaana xiriiro aan la samaynay saraakiil ka tirsan Booliska Puntland ay ka gaabsadeen in ay ka hadlaan dhacdadan.
PUNTLAND POST
You must be logged in to post a comment.