
Dowladda Soomaaliya ayaa sheegtay, in aysan waxba ka beddeli doonin go’aankii mudda kordhinta hay’adaha dowladda, kaas oo uu ansixiyay Aqalka hoose ee Baarlaamnka dalka.
Warkan waxa laga soo xigtay wasiirka Arrimaha dibadda Soomaaliya, Maxamed cabdirisaaq Maxamuud oo wareysi siiyay BBC-da, islamarkaana ka hadlay tallaabada Midowga Afrika ku dhex-dhexaadinayo dowladda iyo mucaaradka.
“Waxba iskama aanay badelin go’aankii baarlamaanka uu qaatay, taas waa howl baarlamaanka u taal” ayuu yiri wasiirka Arrimaha dibadda.
Wasiir Maxamed Cabdirisaaq ayaa sidoo kale soo dhoweeyay dhex-dhexaadinta madaxweyne Farmaajo ka dalbaday guddoomiyaha Midowga Afrika Felix Tshisekedi, in uu fududeeyo wada-hadal dhexmara dowladda Federaalka iyo mucaaradka.
PUNTLAND POST
You must be logged in to post a comment.