Shirkadda NECSOM oo qiima dhimis ku samaysay adeegga Korontada Garoowe

Shirkadda Korontada NECSOM, ayaa maanta oo Isniin ah shaacisay in ay qiima dhimis u ku samaysay adeegga Korontada caasimadda Garoowe.

Shirkaddu waxay sheegtay, in ay sannadihii la soo dhaafay qiima dhimis kala duwan ku samaysay adeegga korontada magaalada Garoowe, iyadoo hadba eegaysa duruufaha macaamiish isticmaala adeega shirkadda.

Qiima dhimista cusub ayaa u dhiganta $0.59/KW, halka markii hore ay ahayd $0.79/KW, waxaana go’aankan lagu tilmaamay mid shirkaddu ku daryeelayso macaamiisheeda.

Sidoo kale, shirkaddu waxay raalli-gelin ka bixisay cillad ku yimid Qalabka korontada, taas oo keentay in saacado kooban korontadu ka maqnaato xaafado ka tirsan magaalada Garoowe.

Hoos ka daawo Muuqaalka oo dhan

PUNTLAND POST