Odayaasha dhaqanka Sool oo ku guulaystay joojinta colaaddii Dhabar-dalool

Odayaasha dhaqanka Gobolka Sool, ayaa ku guulaystay in la joojiyo dagaal beeleed hubaysan, oo maalmo ka hor ka dhacay degaanka Dhabar-dalool oo ka tirsan degmada Xuddun.

Waxgaradka iyo odayaasha Gobolka oo booqday dhulkii lagu dagaallamay, ayaa dhinacyada ku qanciyay in ay xabadda joojiyaan, islamarkaana wada-hadal lagu dhammeeyo colaadda u dhexaysa labada beelood.

Odayaasha ayaa sidoo kale weli ku hawllan, waan-waan ku jihaysan sidii labada beelood heshiis rasmiya uga gaari lahaayeen colaadda degaanka, kadib markii ay dhinacyadu sheegeen in ay diyaar u yihiin Nabadda.

PUNTLAND POST