Lacag lagu qabtay garoonka diyaaradaha Muqdisho

Booliska Soomaaliya ayaa sheegay in ay lacag tiro badan oo sharci darro ah ku qabteen garoonka diyaaradaha Aadan Cadde ee Muqdisho.

Wuxuu Boolisku intaas ku daray in lacagta oo weli lagu wado baaritaan dheeri ah ay la socotay diyaarad ka timid dalka Kenya.

Taliyaha ciidanka Booliska Soomaaliyeed Gen. Cabdi Xasan Maxamed (Xijaar) ayaa warkan ku qoray bartiisa Twitter-ka, isagoo bogaadiyay Ciidanka Saldhiga Booliska Garoonka Caalamiga ah ee Aadan Cadde.

“Waxaan bogaadinayaa Ciidanka Saldhiga Booliska Garoonka Caalamiga ah ee Aadan Cadde oo maanta gacanta ku dhigay lacag tiro badan oo sharci darro ku soo gashay dalka, lana socotay diyaarad ka timi dalka Kenya. Baaritaan dheeri ah ayaa xilligan Ciidanku ku hayaan dhacdadan” ayuu yiri Taliye Xijaar.

PUNTLAND POST