
Wararka ka imaanaya magaalada Muqdisho, ayaa sheegaya in Ciidamo daacad u ah Taliyihii hore ee Booliiska Gobolka Banaadir Gen. Saadaq Cumar Xasan (Saadaq Joon) ay fariisimo ka samaysteen xaafado ka tirsan Muqdisho.
Ciidamadan oo ku gaashaaman hubka noocyadiisa kala duwan iyo gaadiidka dagaalka, ayaa fariisimo ciidan ka samaystay xaafadaha Black sea iyo Shiirkole oo ka tirsan degmada Hodon, sida laga soo xigtay goob-joogayaal.
Magaalada Muqdisho, waxa weli ka taagan xiisadda u dhexaysa dowladda Federaalka iyo Taliyihii hore ee Booliiska Gobolka Banaadir Gen. saadaq joon, kaas oo xilka laga qaaday 12-kii bishan April 2021 kadib markii uu ka horyimid mudda kororsiga dowladda.
Sidoo kale, xildhibaanno ka tirsan Baarlamanka Federaalka ayaa taageero u muujiyay Gen. Saadaq Joon, waxaana ay ku baaqeen in laga difaaco, haddii weerar kaga yimaado dowladda, inkastoo dowladdu sheegtay in aysan wax tallaabo ah ka qaadi doonin.
PUNTLAND POST
You must be logged in to post a comment.